Wasaaradda Howlaha Guud oo kulan latashi ah oo ku aadan sharciga dhulka la yeelatay Golaha deegaanka Xudur+(SAWIRRO).

Date:

Wasaaradda Howlaha Guud ee Koonfur galbeed ayaa magaalada Xuddur ku daah furtay kulan latashi Dadweyne oo ku aadan sharciga dhulka oo ay Wasaaraddu horey u soo diyaarisey oo golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ansixiyeen, isla markaaana hadda horyaala Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa maanta aragtidooda ku biiriyey golaha deegaanka Degmada Xuddur.

Xubnaha golaha Deegaanka oo goob jooga u ahaa kulanka wadatashiga u dhaxeeyey iyaga iyo wafdi ka socday Wasaaradda Howlaha guud iyo Guddiga howlaha guud ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa kulanka ku tilmaamay in isbedel iyo nidaam u horseedi doono  in laga gudbo isqab qabsi dhuleed oo haatan deegaanka ka jira.

Agaasimaha Wasaaradda Howlaha Guud Yuusuf Wadani oo kulanka ka hadlay ayaa sheegey in sharciyga aan weli la anxsixinin maamulka iyo dadweynaha fikirkooda loobaahan yahay.

Wafdiga ka socda Wasaaradda howlaha guud iyo Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed  ayaa maalmaha soo socda waxay lakulmi doonaan bulshada qeebaheeda kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...