Wasaaradda Howlaha Guud oo kulan latashi ah oo ku aadan sharciga dhulka la yeelatay Golaha deegaanka Xudur+(SAWIRRO).

Date:

Wasaaradda Howlaha Guud ee Koonfur galbeed ayaa magaalada Xuddur ku daah furtay kulan latashi Dadweyne oo ku aadan sharciga dhulka oo ay Wasaaraddu horey u soo diyaarisey oo golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ansixiyeen, isla markaaana hadda horyaala Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa maanta aragtidooda ku biiriyey golaha deegaanka Degmada Xuddur.

Xubnaha golaha Deegaanka oo goob jooga u ahaa kulanka wadatashiga u dhaxeeyey iyaga iyo wafdi ka socday Wasaaradda Howlaha guud iyo Guddiga howlaha guud ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa kulanka ku tilmaamay in isbedel iyo nidaam u horseedi doono  in laga gudbo isqab qabsi dhuleed oo haatan deegaanka ka jira.

Agaasimaha Wasaaradda Howlaha Guud Yuusuf Wadani oo kulanka ka hadlay ayaa sheegey in sharciyga aan weli la anxsixinin maamulka iyo dadweynaha fikirkooda loobaahan yahay.

Wafdiga ka socda Wasaaradda howlaha guud iyo Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed  ayaa maalmaha soo socda waxay lakulmi doonaan bulshada qeebaheeda kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka socda Baarlamaanka dalka oo Geneva uga qaybagalaya Shirka Baarlamaanada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda...