Militriga Ethiopia oo loo geeyay gobolka rabshadaha ka socdaan ee Benishangul-Gumuz.

Date:

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa khamiistan maanta ah sheegay in ciidanka dowladda la geeyay gobolka galbeedka dalka ee Benishangul-Gumuz, maalin ka dib markii kooxo hubeysan gobolka ku dileen in ka badan 100, degaanka waxaa ka dhacayay rabshado ku saleysan qowmiyadaha.

Arbacadii guddiga qaran ee xuquuqul insaanka Ethiopia ayaa sheegay in 100 lagu dilay weerar xilli aroor ah lagu qaaday tuulada Bekoji oo ka tirsan ismamulka Bulen ee aaga Metekel waana halka inta badan ka dhacaan rabshadaha u dhexeeya qowmiyadaha.

“Xasuuqa ka dhacay Benishangul-Gumuz waa mid aad looga naxo”, ayuu Twitter soo dhigay ra’iisul wasaaraha, isagoo intaas ku daray in si loo xaliyo dhibaatada  waxaa lagama maarmaan noqotay in aan ciidan u dirno degaanka.

Goobjoogiyaal ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay arkeen daraasiin dad ah oo la dilay kuwaas laayay maleeshiyo heyntooda la aqoonin.

Sidoo kale, dowladda Ethiopia ayaa xirtay shan kamid ah saraakiisha sare ee gobolka Benishangul kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen rabshadaha lagu laayay 100 qof.

Dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan ayaa la hardamaya xakameynta dagaalada ku saleysan isirka tan iyo 2018 markii xafiiska yimid Dr. Abiy wuxuu isku dayay in uu dhaqaajiyo isbedelo dimoqraadiyadeed, mid dhaqaale si uu u mideeyo dowlad goboleedyada xafiiltanka ka dhexeeyo.

Affartii bishii hore, ciidanka xukuumadda federaalka ayaa howlgal ka bilaabay gobolka waqooyi Ethiopia ee Tigree, ka dib markii kooxda TPLF oo maamusha gobolka lagu eedeeyay in ay diideen siyaasadda dowladda dhexe.

Dagaalkaas oo lix todobaad socday waxaa ku dhintay kumanaan shacab ah iyadoo 950,000 oo qof ay ka barakaceen degaanadooda.

Tallaadadii ra’iisul wasaare Abiy iyo saraakiil sar sare ayaa booqday degaanka si ay isugu dayaan in xiisadda la qaboojiyo ka dib dhacdooyin is xig xigey oo degaanka ka dhacay sida kii u dambeeyay ee 14 November oo lagu dilay 34 ruux oo bus lagala dagay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga oo guddoomiyey shir looga hadlayay dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Mombasa

Waxaa Magaalada Mombasa lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah...

Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in Ukraine...