Madaxweyne Qoor Qoor: Waa in loo midoobo la Dagaalanka Argagixisada.

Date:

Madaxweynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlayay dadweyanaha Galmudug ayaa ugu baaqay culimada Soomaaliyeed inay xoojiyaan ka hortaga fikirka xagjirka iyo ka been sheegida kooxaha argagixisada ee diinta islaamka .

Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay in argagixisa ay ka been abuurtaan diinteyna suuban iyagoo baneystay daadinta dhiigi dadka rayidka ah iyo kuwa utaagan ilaalinta qaranimada .

Waxaa kaloo uu xoojiyay in hada la taaganyahay dhammaadka waqtigooda.

“in la cadeeyo timaalamaha xagjiririinta argagixisada waxaan ka rabnaa culimadda inay xoojiyaan maadaama ay kooxahaan ka been sheegayaan diinteyna subaan oo ay ku baneysteen dilka dadka rayidka ayuu yiri madaxweyne qoor qoor.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor waxa uu bulshada ugu baaqay inay umidoobaan la daagalanka argagxisada si looga dulqaado dhibaatooyinka ay ku hayaan guud ahaan dalka.

“Waa inay bulshada umidoobaan la dagaalanka argagixisada si aan uga adkaanno cadawga baneystay dhibaateynta dadka shacabka ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne qoor qoor.

Hadalkaan ayuu madaxweyne qoor qoor ka sheegay munaadabada calmoo saarka duqa degmada Galkacyo isagoo ka falcelinayay weerarkii argagixso ee lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee 18-kii bishaan ka dhacay magaalada Galkacyo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...