Dowladda Federaalka Soomaaliya u gubsiay IGAD dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya.

Date:

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u gudbisay urur goboleedka igad dacwad rasmi ah oo ay uga ashtakoonayso xadgudubyadda dowladda kenya ay kula kacday madaxbanaanida jamhuriyadda federaalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay dadaallo badan ku bixisay sidii ay u wanaajin lahayd xiriirka kala dhaxeeya dowladda kenya.

Urur goboleedka igad oo ka soo jawaabay dacwadda dowladda federaalka Soomaaliya u gudbisay ayaa kulan degdeg ah 20-ka Disembar ku yeelan doona magaalada djbiouti, kaasi oo ajendayaasha looga hadlayo ay ka mid tahay Faragelinta kenya ee arrimaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa mar walba soo dhaweynaysaa dadaalka urur gobolleedka igad iyo talaabo walba oo lagu xaqiiniyo in la dhowro Mabaadi’da daris wanaagga, nabad kuwada noolaanshaha iyo madaxbanaanida Dalalka Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...