Wasiirka haweenka oo sheegtay in la dhisi doono guddiga qaran ee xuquuqul insaanka+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka, xukuumadda Soomaaliya, marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee  xuquuqda aadanaha oo ku beegan 10 December.

Munaasabadda waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka Soomaaliya oo kaashanaysa hey’addaha bahwadaagta yihiin, waxayna wasiirka ka sheegtay xafladda in sharciyo badan oo muhiim ah wasaaraddu gacanta ku heyso.

Wasiir Xaniifa, oo khubad ka jeedisay munaasabadda ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya diyaar u tahay in ay ku biirto heshiisyada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo xuquuqul insaanka oo hadda aysan qeyb ka aheyn.

“Dadaaladan waxay ka turjamayaan sida dowladda Soomaaliya ugu go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha gaar ahaan, haweenka, carruurta, naafada iyo dadka aan matalaadda laheyn,” ayay tiri wasiir Xaniifa.

“Wasaaradda haweenka… hadda waxay gacanta ku heysaa.. sharciga qaran ee xuquuqda naafada Soomaaliya, sharciga jinsiga, sharciga gudniinka gabdhaha, sharciga carruurta iyo dhismaha guddiga qaran ee xuquuqul insaanka,”.

Wasiirka haweenka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim, sidoo kale sheegtay in ay ku dadaalayaan sidii dadka naafada ah qeyb ugu noqon lahaayeen hanaanka doorashada dalka, isla markaana u heli lahaayeen tiro u gaar ah.

Ugu dambeyn, wasiirka haweenka ayaa sheegtay in ay xooga saari doonaan sidii doorashada qeyb ugu noqon lahaayeen haweenka iyo dadka naafada ah.

Hal ku dhegga sanadkan ee xuska 10 December 2020, ayaa ah ka soo kabasho wanaagsan cudurka corona u istaag ilaalinta xuquuqul insaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...