Maxkamadda ICC oo joojisay gal dacwadeed ka dhan ahaa ciidanka UK.

Date:

Xeer ilaaliyaha maxkamadda dambiyada dagaalka ICC ayaa arbacadii sheegtay in ay joojisay baaritaan hor u dhaca ahaa oo ka dhan ah ciidanka Britain oo  lagu eedeeyay in Ciraaq ka geysteen dambiyo dagaal, balse waxay sheegtay in ay heyso macluumaad tusaya in ciidanku galeen dambiyo halis ah.

Baaritaankan waligii ma noqon mid si buuxda loo eego xafiiska Fatou Bensouda waxaa uu ku soo af meeray maadaama madaxda Britishku baareen eedaha loo soo jeediyay.

ICC ayaa fara gelisa kiisaska marka dowladda lagu eedeeyay xadgudubka ka baaqsato in ay baaritaan dhab ah ku sameysay eedaha.

Warbixinta dhammeystiran oo ka soo baxay xafiiska Bensouda ayaa lagu cadeeyay in ciidanka Birtishka 2003 dalka Ciraaq ka geysteen xadgudubyo ay kamid yihii dilka ugu yeraan todobo maxaabiis Ciraaqi ah iyadoo sidoo kale ciidanka geysteen jir-dil iyo kufsi.

“Baaritaanka hor u dhaca ah waxa lagu ogaaday in ay jiraan sababo aas aasi ah oo la aamini karo taas oo ah in xubno ka tirsan ciidanka UK galeen dambiyo ka dhan ah shacab rayid ah ,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hase yeeshee, UK waxay sameysay baaritaan waafi ah dambiyadaas lagu ogaanayo.

Bishii Juun, baaritaan madaxa banaan oo British ay ayaa baaray eedaha loo soo jeediyya ciidanka UK ka dib markii ay heleen kumanaan cabasho oo arrintaas ku saabsan dhammaan kiisaskaas waa la baaray marka laga reebo hal kiis.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli maxkamadda ICC  cadaadis kala kulantay  Washington ka dib markii ayy furtay gal dacwadeed ka dhan ah ciidanka Mareykanka Afghanistan ka geystay xadgudubyada.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa sanadkan Bensouda ku soo rogay xayiraad ku aadan dal ku galka Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...