Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo kormeeray suuqayada goobaha Waxbarashada iyo Goobaha Caafimaadka magaalada Gaalkacyo+(SAWIRRO).

Date:

Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa  wada dadaalo ku aadan xoojinta wadashaqeynta maamulka iyo bulshada magaalada waxaa maanta duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh  Xasan  Jimcaale oo ay wehliyaan wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha Maxamed Deeq Cabdi Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka magaalada, ay kormeer ku sameeyeen baahiyaha  dhinaca adeegyada bulshada ay ku tageen suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo iyo qaar ka mida xarumaha caafimaadka iyo goobaha waxbarashada  ee ku yaala xaafada horumar ee dagmada.

Waxaana Intii uu kormeerka socday warbixino ka dhageysteen qaar ka mida ganacsatada suuq-yada hilibka iyo xoolaha lagu iibiyo sidoo kale qaar ka mida howl-wadeenada xarumaha caafimaad ee ku yaala xaafada horumar kuwaas oo sheegay in ay jiraan baahiyo u baahan in wax ka  qabashadooda ay iska kaashadaan maamulka iyo kudhaqan  bulshada xaafada horumar.

Kormeerka kadib  masuuliyiinta uu horkacayay duqa degmada galkacyo waxa ay kulan la qaateen maamulka iyo bulshada xaafada horumar,kulanka ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo sheegay wasaaradiisu ay gacan ka geysan doonto baahiyada ka jira suuqa xoolaha lagu iibiyo  si loo hubiyo caafimaadka xoolaha.

Duqa degmada Galkacyo ayaa isna dhankiisa sheegay in kormeerka maanta iyo kulankaan ay qeyb ka yihiin qorshooyinka  maamulka uu ugu kuur-galayo baahiyada adeegyada bulshada ee ka jira xaafadaha degmada ,isagoo dhanka kalana ka codsaday shacabka xaafada horumar in ay maamulka kala shaqeyaan wax qabashada dhibaatooyinka ka jira dhanka adeegyada ay bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...