Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb-galay shirka wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika+(SAWIRRO).

Date:

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda oo aaladda fogaan aragga uga qeyb-galay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda Afrika

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa kaga qeyb-galay aaladda fogaan aragga kaltanka 21-aad shir aan caadi ahayn oo uu yeeshay golaha fulinta Ururka Midowga Afrika oo looga hadlay aaga ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) iyo fulinta hindisaha Midowga Afrika ee 2020 ee aamusinta qoriga.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaa muujiyay rabitaanka Soomaaliya iyo shucuubta qaaradda si loo hirgeliyo aagga ganacsiga xorta ah si ay u suuragasho in dalalka qaaradda Afrika ay is-weydaarsadaan badeecooyin iyo adeegyo si aan caqabad ku jirin si loo gaaro is-dhexgal dhaqaale oo waxtar leh oo macnaheedu yahay xilli cusub oo iskaashi qaaradeed ah.

22 Maarso, 2018 ayaa Soomaaliya ay ku saxiixday caasimadda Kigaali ee dalka Ruwaanda labo heshiis oo kala ahaa Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika iyo Hab maamuuska isku socodka xorta ah ee Dadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...