Qaramada Midoobe oo bilaawday in gargaar bini aadanimo la gaarsiiyo gobalka Tigray ee Dalka Itoobiya.

Date:

Qaramada Midoobe ayaa ku dhawaaqday inay bilawday howlaha gargaar bini aadanimo lagu gaarsiinaayo gobalka colaaduhu ka socdaan ee Itoobiya.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Qaramada Midoobe iyo dowladda Itoobiya kala saxiixdeen heshiis ogolaanaya in loo gurmado dadka ku dhibaateysan gobalka Tigray.

Heshiiskaan wuxuu ogolaanaya in shixnaddii ugu horeysay oo isagu jirta dawo iyo cunto la gaarsiiyo gobalka oo ay soo wajahday gaajo kadib dagaaladii ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Afhayeen u qaabilsan Qaramada Midoobe arrimaha bini aadanimada ayaa sheegay in marka hore qiimeyn lagu sameeyn doono baahiyaha jira si loo caawiyo dadka dhibaateysan.

Hay’adaha samafalka ee caalamiga ayaa dhowr jeer dalbaday in la fududeeyo qaabka wax lagu gaarsiin karo dadka ay wax yeeladu kasoo gaartay dagaalka u dhaxeeya jabhadda Xoreyna Tigreega iyo ciimada dowladda Itoobiya.

Qaramada Midoobe waxay sheegtay in dad gaaraya 800,000 oo ku sugan gobalka Tigreega ay u baahanyihiin gargaar bini aadanimo, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaxooti kasoo jeeda Ereteriya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...