Kulan looga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa saameynta roobku uu ugeysto bilicda caasimadda oo Muqdisho lagu qabtay+(SAWIRRO).

Date:

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir mudane Faarax Cabdi Diini ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay qorshaha horumarinta caasimadda.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen agaasimeyaasha ku shaqada leh horumarinta caasimadda ayaa lagu lafa guray sidii xal waaro looga gaari lahaa saameynta roobku uu ugeysto bilicda magaalada.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha asaaska u ah ilaalinta bilicda caaismadda xilli roobaadka, si aysan u saameyn biyuhu isu socodka magaalada iyo dadka danyarta ah.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay masโ€™uuliyiinta uu la kulmay in ay dardar galiyaan qorshaha horumarinta magaalada iyo in si hufan loogu qidmeeyo bulshada Caasimadda.

Masโ€™uuliyiinta ayaa isku raacay in horumarinta magaaladu ay tahay arrinka ugu horreeya ee hortebinta u leh maamulka gobolka iyagoo sheegay in dardar gelin doonaan xal u helida arrintaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...