Isbitaalka Magaalada Mekelle ee dalka Itoobiya oo daawooyinka ay ka sii dhamaanayaan Xilli dad faro badan oo dhaawac la keenayo wali.

Date:

Isbitaalka ugu weyn magaalada Mekelle ee xarunta ismaamulka Tigray  ee dalka itoobiya ayaa waxaa gabaabsi ka ah daawooyinka iyada isbitaalka  la keenay dhaawacyo badan.

Isbitaalkan oo lagu magacaabo Ayder ayaa joojiyay adeegyada kale caafimaad waxaana shaqaalaha iyo daawooyinka haray la isugu geeyay qeybta deg dega halkaas oo dhaawacyo badan la keenayo.

Madaxa ICRC ee dalka itoobiya  Maria Soledad,oo booqatay isbitaalka ayaa sheegtay In daawooyinka ay ka mid yihiin antibiotics, anticoagulants, xanuun baabi’iyaha iyo gloves ama gacmi gashiga ay sii yaraanayaan.

Sadax isbuuc oo ay Mekelle go,doon ahayd islamarkaana ay dagaalo ka socdeen waqooyiga itoobiya ayaa sababay in isbitaalka daawooyinkii gaari waayaan.

Gaadiidka gurmadka ayaa dhaawacyo badan ka keenaya deegaanada ku xeeran magaalada Mekelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...