Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb-galay Bandhiga cunnooyinka caalamiga ah oo lagu qabtay Turkiga+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya ย Mudane Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar, ayaa magaalada Istaanbuul ee Turkiga kaga qeyb-galay bandhigga cunnooyinka caalamiga ah oo la qabtay markii saddexaad sidoo kale na ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 20 wadan.

Ganacsatada Soomaaliyeed oo garab ka helaaya wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya iyo hayโ€™adda USAID gaar ahaan mashruuca GEEL, ayaa halkaas ku soo bandhigay cunooyin kala duwan oo ay ku jireen midhaha, sisinta iyo kaluunka kuwaasi oo ganacsatada iyo maal-gashadeyaasha caalamiga ahi ba ay aad u xiiseynaayeen.

Wasiir Khaliif oo booqday goobta loo asteeyey in lagu soo bandhigo wax-soo-saarka Soomaaliya, ayaa ganacsatada uga ku boggaadiyey dedaalka ay sameeyeen, waxaana uu xusay inay ka dawlad ahaan ka goโ€™an tahay siddii suuqyo caalami ah looggu heli lahaa wax-soo-saarka wadanka isaga oo sidoo kale na u mahad-celiyey masโ€™uuliyiinta mashruuca GEEL oo iyagu na mar walba taageero la garab taagan ganacsatada Soomaaliyeed.

Bandhig Ganacsiyeedkan, ayaa kor-u-qaadaya siddii Soomaaliya ay suuqyo cusub ugu heli lahayd wax-soo-saarkeeda sidoo kale na ay maal-gasheyaal caalami ah ugu soo jiidi lahayd wadanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...