Burbur Xoogan oo soo gaaray Magaalada Shire oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee Waqooyiga, islamarkaana Ciidamada Itoobiya iyo TPLF ku dhax dagaalameen.

Date:

Dejena hotel oo ku yaala bartamaha magaalada Shire ee gobalka tigreega dalka itoobiya wuxuu ka mid ahaa meelaha ay dagi jireen dadka dalxiiska u aada goobaha taariiqiga ee waqooyiga itoobiya.

Dhismaha hoteelka ayaa ku burburay dagaalkii ciidanka itoobiya iyo kuwa TPLF ku dhax maray magaalada.

Inkastoo xaalada magaalada degan tahay ayna si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka itoobiya hadana waxaa ka muuqda raadadka colaada.

Magaaladan oo ay ku noolaayeen dad lagu qiyaasay 47,283 qof ayaa iminka ah cidla waxaana dadka badankood ay ka carareen ka hor inta aan dagaalku dhicin.

Dadka arimaha itoobiya ka faalooda ayaa sheegaya in ay waqti qaadan doonto kabashada burburka gaaray kaabayaasha dhaqaalaha ee waqooyiga itoobiya.

Meelaha burburay waxaa ku jira garoomada diyaaradaha iyo buundooyin muhiim ahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...