Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Golaha Ammaanka QM uga warbixiyay xaalada guud ee Soomaaliya.

Date:

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Soomaaliya ka siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

James Swan ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadatay hanaanka doorasho oo is ogol ah sanadka 2021, kaasi oo ay ah mid ay tageereen qeybaha bulshada, isla markaana ay ku wada heshiiyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo ay ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Mr James ayaa amaanay dareenka isku tanaasulka ah oo ay heshiiska ku gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Si aan sare u qaado wada hadalka Soomaaliya, waxaan bilaabay dhawaanahan booqasho xiriir ah oo aan ku tegayay Caasimadaha Mamaul Goboledyada, waxaana igu wehliya Wakiilada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya, sidoo kale waxaan ogahay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu bilaabay booqashada maamul Goboleedyada, uuna sii wado wada hadalka uu la leeyahay Madaxda Mamaul Goboleedyada, arrintan oo ah talalabo aan soo dhaweynayo” ayuu yiri James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in sanadka soo socda ay noqon doonto sanad kala guur ah, kaasi oo Soomaaliya ay hogaamin doonto mas’uuliyadda arrimaha ammaankeeda.

Mr Swan ayaa amaanay dadaalka ay wadaan cidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo si geesinimoleh ay ku soo celinayaan Nabadda iyo xasiloonida.

Dhanka arrimaha Beni’aadannimada waxa uu sheegay in weli ay baahidu taagantahay, dalkana ay heystaan saddex arrimood oo waa weyn oo kala ah COVID-19, fatahaadaha iyo Ayaxa.

Mr Swan ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo qorshaha wada shaqeynta shanta sano ee ay kala saxiixdeen dowladda Federaaka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

James ayaa uga mahadceliyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taageerada uu siinayo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn...

Taliyaha Booliiska oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobab ku da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...