Finland ayaa galeysa xayiraad kadib markii ay kordheen kiisaska cudurka Coronavirus.

Date:

Magaalooyinka Helsinki, Espoo, Vantaa iyo hareerahooda oo kamid ah Dalka Finland ayaa la go’aamiyay xadaymo cusub laga bilaabo 23.11.2020 waxaana ay socon doonaantaa mudo saddex toddobaad ah, taasoo ay ujeedadeedu tahay sidii lagu joojin lahaa faafista feyruska corona.

Midka ugu weyn xadaymahaas cusub ee la soo rogay waa, in kulamada guud ee gudaha lagu qabanaayo ama la isugu imaanaayo aanay ka badnaan karin 20 qof. Taa macnaheedu waa in munaasabadaha isboortiga iyo xafladaha kale sida riwaayadaha, aan la qaban karin mudadaas saddexda toddobaad ah ee soo socota, iyadoo intaa kahorna ay howlwadeennada dowladdu arrinka qiimeyn ku sameyn doonaan.

Munsaabadaha gaarka ah ee dadku ay yeelanayaan sida xafladaha dhalashada, kuwa ardeyda, kuwa qoysaska iyo qaraabada sida aroosyada iyo xafladaha diimaha, 10 qof ka badan la isuguma imaan karo.

Dadka waaweyn waxaa khasab ku noqoneysa in ay joojiyaan hiwaayadihii ay aadi jireen, waayo howlaha isboortiga kala duwan ee lagu qabanaayay hoolalka gudaha ah waa la joojiyay. Tusaale ahaan dadka waaweyn ma aadi karaan saddexda toddobaad ee soo socoda hoolalka isboortiga ee magaalooyinka ee lagu ciyaaro ciyaaraha kala duwan. Wixii ka yar 20 sano jir way sii wadan karaan hiwaayadahooda.

Dugsiyada dhexe waxaa isniinta laga bilaabo loo soo jeedinayaa in ay qaataan af-shareerka.

Dugsiyada sare iyo macaahidda muddo dheer ayaa laga isticmaalayay af-shareerka, ardayda iskuulladaasna hadda inta badan waxaa ay waxbarashada ku qaadan doonaan guriga, iyadoo ardayda qaarkood mar la gelin doono waxbarashada dhanka internetka ee guriga, qaarna ay iskuulka ku qaadan doonaan.

Inta ugu badan xadaymaha cusub ee la soo rogay wax saameyn ah kuma yeelanayaan caruurta dhigata dugsiyada hoose. Carruurtaas dugsiyada hoose lagama rabo in ay af-shareerka qaataan, iskuulkana lagama xiraayo sidii dhacday gu’gii la soo dhaafay, ee caadi ayay u wadanayaan. Xafladdii xornimada dalka ee sannad walba loogu yeeri jiray ardayda fasalka afaraad ee iskuullada dalka, sannadkaan waxaa loo beddelay dhanka internetka, oo qaab firjiwaal ahaan ah ayay u dhici doontaa.

Goobaha guud ee la isugu yimaado, hoolalka dabaasha waxaa la xadeynayaa cadadka ama tirada inta qof ee imaan karta hoolka, khaanadaha dharka la gashadana kalabar waa la xiri doonaa. Maktabadahana waxaa la yarayn doonaa hoolalka wax lagu akhristo.

Xadaymahaan cusub waxaa loo qaatay, sababtoo ah cudurka safmarka ah ayaa caasimadda iyo hareeraheeda wuxuu galay heerkii saddexaad ee faafista. Wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ayaa bishii sagaalaad waxaa ay go’aamisay in cudurkaan safmarka heerarkiisa loo qaybiyo saddex qeybood, kuwaaso kala ah heerka
asaasiga ah, heerka karaar qaadashada iyo heerka faafista.

Heerka faafista ayaa ah kan ugu daran, waxaana macnaheedu yahay in tirada csub ee faafista feyruska ay si xoog leh kor ugu socoto. Xadaymaha haatan la soo rogay oo soconaaya saddexda toddobaad ee soo socota, haddana waxaa lagu sii kordhin karaa saddex toddobaad oo kale, haddii faafsita feyrusku ay hoos u soo dhici weyso.
Nadifo Ali Shador
Helsinki – Finland

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...