Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Galdogob gaaray+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal ku jooga Puntland ayaa maanta gaaray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Ujeeddada socdaalka ayaa qeyb ka ah kormeer uu Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sameynayaan deegaannada ay ka socdaan mashaariicda taageerraya qoysaska nugul iyo kuwa saameynta uu gaarsiiyay Ayaxa.

“Waxay ii tahay arrin muhiim ah imaatinkeyga Galdogob, socdaalkan wuxuu qeyb ka yahay socdaal aan ku soo marey deegaanno ka tirsan Puntland” ayuu yiri Wasiir Duraan oo dulleedka magaalada kula hadlay mas’uuliyiinta Degmada iyo qeybaha bulshada oo halkaa ku soo dhaweeyay.

“Waxaan kormeer iyo qiimeyn ku sameyn doonaa mashaariicda Baxnaano ee ka socda degmada oo lagu taageerayo Qoysaska nugul iyo kuwa uu Ayaxu saameynta u geystay.” ayuu ku daray isagoo u mahadceliyay mas’uuliyiinta degmada iyo qeybaha bulshada ee sida ballaaran u soo dhaweeyay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inuu kulamo la qaadanayo mas’uuliyiinta deegaanka iyo qeybaha bulshada, waxaa kalo uu xaqiijiyay inay tagi doonaan wafdiga uu hoggaaminayo goobaha muhiimka ah ee u adeegga bulshada.

Degmada Galdogob oo ah deegaan Xoolo-dhaqato iyo beeralay ay ku noolyihiin ayaa ka faa’iideysanaya barnaamijka Baxnaano, gaar ahaanna mashaariicda taageeraya bulshada nugul iyo qoysaska uu saameeyay Ayaxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...