Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxayna ka wada hadleen xal u helida fatahaadaha kusoo noq noqday gobolka Hiiraan.

Dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ay ka wado Gobolka Hiiraan gaar ahaan Mashruuca ka hortagga fatahaadaha iyo sidii loo xakamayn lahaa masiibadaas soo noqnoqotay, ayaa saldhig u ahaa kulanka dhex maray Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Wasiirka  Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo kulanka kadib Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa Ugaaska uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda, wuxuuna dhinaca kale xusay in Wasaaradda ay ku howlantahay xal u helidda fatahaadaha iyo xakameynta Ayaxa.

“Ugaaska iyo xubno la socday ayaan ku soo dhaweynay Wasaaradda, runtii waan uga mahadcelinayaa Ugaaska sida uu noogu soo booqday xarunta Wasaaradda, waxaan warbixin ka siinay mashaariicda Wasaaradda Beeraha ee ka socda Hirshabeelle guud ahaan gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo ay ugu muhiimsantahay hakinta fatahaadaha soo noq noqday ee Gobolka, si gaar ah mashruuca ay isla fulin doonaan Wasaaradda Beeraha, Hirshabeelle iyo FAO oo ah xakameynta fatahaadaha oo ay maal gelineyso dowladda Talyaaniga, Ugaaskana aad ayuu u soo dhaweeyay, wuxuuna naga codsaday in mashaariicda ay si sax ah ku fulaan, lana soo afjari lahaa aafooyinka fatahaadaha” ayuu yiri Wasiirka Beeraha oo hadalkiisa ku daray in Ugaaska uu ka mahadceliyay dadaallada Wasaaradda Beeraha ay ugu jirto xakameynta fatahaadda webiga Shabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...