Dalka Mareykanka: kororka Covid 19 oo sababay in la soo rogo xayiraado hor leh.

Date:

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Mudane Tim walz Ayaa caaway soo saaray amaro lagu xirayo goobbaha laga adeegto sida maqaaxiyaha,goobaha ciyaaraha & baararka.
Go’aanka Gudoomiayaha Gobolka yaa waxaa ka hadlay Somali badan oo isugu jirta siyaasiin,ganacsato & qaar ka mid ah shaqaalaha goobaha laga adeegto.

Tallaabadaan ayaa timid xilli tirade dadka Mareykanka ee u dhintay cudurka COVID-19 ay gaarayaan 250,000,sida uu ku soo waramay wakiilka war-baahinta qaranka ee dalka maraykanka Abdihakim Abdi Ismail,

Dhinaca kale,In ka badan rubuc milyan qof ayaa COVID-19 ugu geeriyootay Mareykanka, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins University oo aruurisa xogaha safmarka coronavirus.

Mareykanka ayaa laga diiwaan geliyay 250,029 oo ruux oo dhimasho ah, waana dalka ugu dhimashada badan caalamka, waxaana xiga dalka Brazil cudurka corona ugu geeriyoodeen 166,699 oo ruux, India oo ku jirta kaalinta sadexaad ayaa dhimshada waxay maraysaa  130,993 oo ruux halka Mexico 99,026 qof u dhinteen safmarka coronavirus.

Arbacadii, madaxweynaha la doortay Joe Biden waxaa uu ka dhigay, “ Ma heysano waxyaabo badan  oo aan kaga hor tagno sida qalabka la isaga ilaaliyo tallaalka COVID-19.

Magaalada New York waxaa la xirey dugsiyada si loo xakameeyo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus.

Mareykanka arbacadii, waxaa laga diiwaan geliyay in ka badan 1,000 qof oo dhimasho ah iyo 150,000 oo kiisas cusub ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...