Dowlada Ingiriska oo ku Baaqday in la joojiyo Colaada Dalka Itoobiya.

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska arimaha dibadda,barwaaqo sooranka iyo horumarinta dalka UK ayaa lagu sheegay in dowlada Britain ay ku baaqeyso in la qaboojiyo xiisada iyo colaada ka aloosan itoobiya.

Wasiirka arimaha afrika James Duddridge oo qoraalka soo saaray ayaa sheegay in UK ay si dhow ula shaqeyneyso hay’adaha sama galka si uu gargaarka u gaaro dadka dagaalku saameeyay.

Xoghayaha arimaha dibadda UK Dominic Raab ayaa 10 bishaan taleefan Kula hadlay ra’isulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed isagoo xoojiyay muhiimada ay lee dahay in dadka rayidka ay helaan badbaado islamarkaana gargaarka uu gaaro.

Safiirka Britain ee Adis Ababa ayaa isna wada dadaal lagu muujinayo baahida loo qabo in colaada la joojiyo taana ay dhamaan dhinacyada qeyb ka noqdaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...