Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo dhaweeyay Ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka Dalka.

Date:

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka hadlayay ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka oo ay maanta cod aqlabiyad leh ku asixiyeen Xildhibannada Golaha Shacabka ayaa yiri “Waxaan so dhaweynayaa ansixinta maanta ee  Golaha adeegga Garsoorka ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Golahu wuxuu u xilsaaran yahay maamulidda howlaha garsoorka iyo damaanad qaadidda madaxbannaanida Garsoorka Dalka”.

Xeer-ilaaliyihu wuxuu intaas ku daray “Golaha Adeegga Garsoorka wuxuu kaloo u xilsaaran-yahay soo jeedinta, magacaabidda, anshax-marinta iyo bedelaadda xubnaha Garsoorka dalka si loo xaqiijiyo dalku in uu yeesho garsoor wax ku ool ah, daah-furan oo loo siman yahay”.

Ugu danbayntii xeer-ilaaliye Sulaymaan ayaa sheegay in loo baahan-yahay in la dhameeyo howlaha u dhiman Golaha adeegga Garsoorka Dalka “Madaxda Garsoorka Dalka gaar ahaan  xeer- ilaaliyaha guud ee Qaranku waxaa uu ugu mahad-celinayaa Wasiirka wasaaradda  Caddaalada dadaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey horgaynta Golaha Adeegga Golaha shacabka si loo ansixiyo. Wasiirka iyo madaxda kale ee qaranka, waxaan ka rajaynayaa in ay dardar-galiyaan hawlaha u dhiman golaha garsoorka”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...