Barnaamijka bilic soo-celinta waddooyinka Muqdisho oo wajigii labaad galay

Date:

Maamulka gobalka Banaadir ayaa bilaabay wajigii labaad ee bilic soocelinta waddooyinka caasimadda,wajiga hore  ayaa ah nadiifinta carrada ay keneen biyaha roobka si magaalada Muqdisho ay u noqoto magaalo bilicsan,

Agaasimaha waaxda Nadaafada  gobalka Banaadir shar’ma’arke caddow  oo warbaahinta la hadalay ayaa shacabka caasimadda Muqdisho ugu baaqay ka qayb qaadashada bilic soo celinta waddooyinka oo uu samayn ku yeeshay roobkii dhawaan ka da’ay magaalada

“waxan u gudubnay qaybtii labaad ee ah in cararda an ka nadiifinno waddooyinka oo ay keeneyn Roobaka waxana intaa u sameyneynaa in bilicdii caasimada dib u soo laabato ayuu yiri agaasimaha waaxda Nadaafada gobalka Banaadir

Agaasimaha waxa uu sido kale digniin u diray  ganacasatada iyo dhammaan shacabka gaar ahaa dadka qashinka ku shuba wadooyinka muqdisho waxa uu tilmaamay in an la aqbali dooni arintaa cidii lagu arkaana ay ka qaadi doonaa Tilaabooyin isugu jiray xarig iyo ganaax lacageed.

Maamuka gobalka Banaadir aya wada da daallo uu dib ugu soo celinayo bilicdii waddooyinka caasimadda Muqdisho oo samayn Taban ku yeeshay roobabkii da’ay

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa caawa magaalada Muqdisho waxa uu ka bilaabay wajiga Labaad ee bilic soo celinta caasimada iyada oo shaqada Markan Laga qabanayo carada wadooyinka magaalada ay biyaha Roobka Keenaan si magalada Muqdisho ay  u noqoto magaalo bilicsan Xagga nadaafada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...

Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...