Wasiirka Maaliyada JFS oo khudbad ka jeediyay Shir looga hadlayay dhaqaalaha Dalka+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka maaliyadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay hormarka maaliyadda, dhaqaalaha dalka kadib markii uu kulan qadka internerka ee fogaanka arraga uga qeyb-galay shirkadka Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics).

“Sharaf ayay ii tahay in aan maanta ka jeediyay Muxaadiro ku saabsan horumarka Maaliyadda iyo kobaca dhaqaalaha dalka, Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics) taa oo u qabsoontay hab Online ah.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sidoo kale safiirka dowladda sweden ee soomaaliya uga mahadceliyayka ka qeyb-galka barnaamijka lagu xoojinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

“Waxa aan u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda Sweden ee u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander oo igu wehlinayay barnaamijka aan uga hadalnay dhaqaalaha Soomaaliya, ayuu hadalkiisa ku daray Dr, Cabdiraxmaan Duceele Bayle.

Ugu dambeytii wasiirka maaliyadda eee xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxa uu sheegay in Isbadalka saxda ah ee maaliyadda dalka u horseeday kalsoonida iyo taageerada dhaqaale ee Saaxibada Caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...