Mas’uulinta Safaarada Soomaaliya ee K/Afrika oo Socdaal wacyi galin ah oo ay kula hadlayso Jaaliyada Soomaaliyeed ka bilowday Gobolada Dalkaasi+(SAWIRRO).

Date:

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika oo bilaabay Socdaal ay ku marayaan Gobolada dalkaasi gaar ahaa gobolada Soomaalidu u badantahay iyadoo Socdaalkoodii ugu horeeyay ay ku tageen magaalada Rustenburg ee Gobolka North West, waxaana ay kulan la qaateen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkaasi.

Danjire Maxamed Cali mire ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Xogyaha kowaad, Uqeybsanayaasha Waxbarashada, Ganacsiga, Arimaha Diinta iyo Awqaafta iyo Uqeybsanaha Socdaalka iyo Jansidiyaha.

Kulan Xog is weedaarsi oo ay Madaxda Safaaradda la qaadatay Jaaliyadda magaalada Rustenburg ayay Safaaraddu sheegtay in uu safarkooda ku qotomo wacyigalin iyo u kuurgalid xaaladda ganacsatada Gobolkaasi.

Qaar ka mid ah Jaaliyadda ka hadashay madasha kulanka ayaa soo dhaweeyay Wafdigan waxa ayna sheegeen in ay tahay muhiim aad u weyn wadashaqeynta Jaaliyadda iyo Safaaradda.

Ciidamada Booliiska K/Afrika oo kulankan ka qeybgalay waxey Soomaalida ku amaaneyn inay yihiin dad dalka dhaqaalo soo galiya mar walbana caawiya dadka u dhashay dalkaasi, iyagoo tusaale u soo qaatay in xilligii gumeysiga ay K/Afrika ku jirtay Dowladda Soomaaliya garab taagnayd.

Uqeybsanayaasha Safaarada Dhinacyada Waxbarashada, Ganacsiga, iyo Socdaalka iyo Jansidiyaha oo la hadlay Jaaliyadda ayaa waxay sheegeen in ay ka caawin doonaan Jaaliyadda Waaxaha ay u qaabilsanyihiin Safaaradda.

Ugu dambeyn Danjire Maxamed Cali Mire Nabadoon ayaa ka hadlay madasha waxa uuna sheegay in muhimadda safarkooda yahay wacyagalin guud iyo sida ay Jaaliyadda feejignaan oga muujin lahayd tuugada qowleystada ee bartilmaameedsada ganacsiga Soomaalida gaar ahaan xilliyada sanad dhamaadka.

Danjire Nabadoon ayaa intaa ku daray in ganacsatada mar walba xiriiro dhaw la sameeyaan Saldhigyada u dhow iyo Safaaradda si loogu hortagga dhibaatooyinka.

Si kastaba Kulankan ayaa imaanayo xilli dhawaanahanba ay soo badanayeen Dilalka Burcada Hubeysan ay ugu geystaan gudaha dalkaasi Muwaadaniinta Soomaaliyeed iyadoo ay ugu dambeysay dilkii November 7, 2020 Muwaadin soomaaliyeed kaasi oo ka dhacay deegaanka Elsis oo Ka Tirsan Magaalada Cape Town.

WD: C/qaadir Axad Dhaqane Rustenburg.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...