Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen oo maanta xilkii la wareegay.

Date:

Munaasabad kooban oo Maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hir-Shabeelle ee Jowhar ayaa waxaa xilalka kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle & labadiisa kuxigeen.

Munaasabadda oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaannada Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre uu xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha Cusub Luqmaan Xaaji Muxumad, halka iyana Guddoomiye kuxigeennada 1aad iyo labaad ee xilka la wareegeen.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Cusmaan Barre waxyaabihii uu qabtay intii uu xilka haayay, isla markaana uu doorweyn ku leeyahay dhismaha Hir-Shabeelle.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre ayaa Guddoomiyaha Cusub ugu hambaleeyay xilka loo dooryay, isaga oo ugu baqay in uu dardar geliyo Shaqooyinka horyaalla, isla markaana dhankiisa uu la Shaqeyn doono.

Maalinta Arbacada ah ee todobaaadkaan ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar lagu qabto doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo la sheegay in ilaa iyo hadda uu u sharaxan yahay Cali Guudlawe Xuseen oo ah Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...