Ku-simaha duqa Muqdisho oo kormeeray Waddooyin ay ka socdeen dadaallo dib u habeyn ah+(SAWIRRO).

Date:

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane, Axmed Xasan Iimaan ayaa xalay kormeeray waddooyinka waa-weyn ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo maalmihii u danbeeyay saameyn uu ku yeeshay biyo-dhiga Roobabkii ka da’ay Muqdisho, iyadoona Maamulka Gobolka Banaadir ay dib waddooyinkaasi ugu soo celiyeen isu-socodkii caadiga ahaa kadib markii laga dhuray biyihii halkaasi yaalay.

Waddooyinka xalay uu booqday Ku-simaha ayaa waxa ay kala ahaayeen Waddada weyn ee xiriirisa Dekada Muqdisho illaa KM4, Waddada Xiriirisa KM4 illaa Airportka Muqdisho, Waddada Ceel Qalow ee Degmada Wadajir iyo Waddada Daalo ee Degmada Howlwadaag, kuwaasi oo hadda isu-socodkoodu caadi kusoo noqday iyadoona hadda ay shaqo ka socoto waddooyin kale oo ay biyo dhigeen Roobabkii ka da’ay Caasimadda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa warbaahinta u sheegay in ka-sakow biyo qaadista ay Magaalada ka wadaan gurmadka dadka danta yar ee dhibaatooyinka kasoo gaareen roobabkii ka da’ay Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay xoogga saaray la tacaalida dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii ka da’ay caasimadda dalka ee Muqdisho,kuwaas oo saameyn ku yeeshay isu socodka magaalada iyo dadka danta yar ee ku nool kaamamka barakacayaasha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...