Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo la doortay.

Date:

Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, ayaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle doorasho maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle.

Golaha wakiiladda Hirshabeelle, ayaa Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle u doortay Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, kadib markii uu tanaasulay Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame oo ahaa Musharixii la tartamaayey.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa guddoomiye ku-xigeenka labaad u doortay Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan oo helay 85 cod, halka Xildhibaan Canab Axmed ay heshay 10 cod, halka afar cod ay halaabeen.

Xildhibaanadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa horey u ugu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Xildhibaan C/xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...