Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Date:

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaali ah dil & dhaawac loogu gaystay dalkaasi.

Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen goobo ganacsi oo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaali ah oo ku yaalo deegaanka Cosmos oo ka tirsan Johannesburg.

Labada Marxuum ayaa waxaa magacyadooda lagu soo koobay Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyada oo ka wada shaqeynayey dukaanka uu falka weerarka ah ka dhacay.

Kooxaha weerarka geeysatay ayaa falka kadib goobta isga baxsaday.

Sidoo kale burcadda ayaa isla deegaankan dhaawac halis ah ugu gaystay ganacsade kale oo Soomaaliyeed, kaas oo loo cararay isbitaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...

Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...