Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Date:

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaali ah dil & dhaawac loogu gaystay dalkaasi.

Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen goobo ganacsi oo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaali ah oo ku yaalo deegaanka Cosmos oo ka tirsan Johannesburg.

Labada Marxuum ayaa waxaa magacyadooda lagu soo koobay Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyada oo ka wada shaqeynayey dukaanka uu falka weerarka ah ka dhacay.

Kooxaha weerarka geeysatay ayaa falka kadib goobta isga baxsaday.

Sidoo kale burcadda ayaa isla deegaankan dhaawac halis ah ugu gaystay ganacsade kale oo Soomaaliyeed, kaas oo loo cararay isbitaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...