Dhul giriir sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka Turkiga.

Date:

Ugu yaraan 6 ruux ayaa geeriyootay 200 oo qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhul gaririir cabirkiisu yahay 6.6 maanta oo Jimca ah uu ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga sida ay shaacisay Hay’adda Maareynta musiibooyinka ee dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Gobolka Izmir Yavuz Selim Kosger ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg deg ah ay soo badbaadiyeen 70, qof oo ku hoos jiray dhismayaasha dumay, waxaan ay weli ku howlanyihiin sidii loo baadi goobi lahaa dadka kale ee ku haray daaraha bur buray.

Duqa magaalada Izmir Tunc Soyer ayaa tilmaamay in ku dhawaad 20 guri uu bur buriyay dhul giriirka, isagoo intaa ku daray in meelaha ugu daran ee uu saameeyay dhul giriirka ay tahay degmooyinka Bayrakli iyo Bornova ee Gobolka Izmir.

Wasiirka Deegaanka ee dalka Turkiga Murat Kurum ayaa sheegay in dad badan ay ku xanibanyihiin ilaa iyo shan dhismo oo ku dumay dhul giriirka, waxaana uu intaa ku daray in kooxaha gurmadka deg deg ay ku howlyihiin sidii dadkaasi loo soo bad baadin lahaa.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda ay u istaagtay sidii loogu gurman lahaa muwaadiniinta uu waxyeelada u geystay dhul giriirka ka dhacay Gobolka Izmir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...