Xukuumadda cusub oo heshay kalsoonida Golaha shaccabka.

Date:

Kulanka golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo goordhow furmay ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen 188 xildhibaan ujeedkiisuna ahaa kalsooni siinta golaha wasiirrada cusub oo dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda mudane, Maxamed Xuseen Rooble iyo barnaamijka xukuumadda ayaa waxaa khudbd ka horjeediyay golaha ra’iisul wasaaraha cusub isagoo ka hor akhriyay barnaamijka xukuumadda oo ay kamid yihiin sugida amniga,caddaaladd,kobcinta dhaqaalaha,xakameynta Covid-19,ilaalinta xuquuqul insaanka iyo qabsoomida doorashooyinka 2020-2021.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xildhibaannada golaha shacabka ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan golaha wasiirrada uu soo magacaabay si ay u dardar geliyaan howlaha horyaalla.

Xildhibaannada oo codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub ayaa waxaa oggolaatay 188,wax ka aamusay iyo wax diidayna majiraan sida uu sheegay guddoomiyaha golaha mudane Maxamed Mursal.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobta ku dhaariyay xubnaha golaha wasiirrada cusub ee baarlamaanku uu meel mariyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...