FAO oo ka digtay Ayax mar kale ku soo fool leh Soomaaliya.

Date:

Hey’adda FAO ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Beeraha iyo Cunnada ayaa ka digtay Ayax hor leh oo Soomaaliya ku wajahan.

Xafiiska FAO ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ayax ka imaanaya dhanka Badda Cas uu ku fool leeyahay Soomaaliya gaar ahaan gobolada Bari .

Ayaxa ayaa FAO tilmaantay in uu ka soo guuray dhanka dalka Yemen waxaana saameyntiisa ay noqon doontaa mid xoog leh .

Inkastoo, dagaal lagula jiro Ayaxa ayaa haddana waxaa hey’addu sheegtay in arintu cuslaan karto hadii Ayaxaasi geediga ah uu Soomaaliya sal dhigto.

Ayax ka yimi dhanka Itoobiya oo dhulka Beeraha iyo daaqsiga diiray ayaa lagu arkay Soomaaliland

Sidoo kale qeybo ka mid ah Puntland iyo Galmudug ayuu Ayaxu weerar ku hayaa, waxaana dhici karta in uu u gudbo dhanka gobolada koonfureed ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...