FAO oo ka digtay Ayax mar kale ku soo fool leh Soomaaliya.

Date:

Hey’adda FAO ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Beeraha iyo Cunnada ayaa ka digtay Ayax hor leh oo Soomaaliya ku wajahan.

Xafiiska FAO ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ayax ka imaanaya dhanka Badda Cas uu ku fool leeyahay Soomaaliya gaar ahaan gobolada Bari .

Ayaxa ayaa FAO tilmaantay in uu ka soo guuray dhanka dalka Yemen waxaana saameyntiisa ay noqon doontaa mid xoog leh .

Inkastoo, dagaal lagula jiro Ayaxa ayaa haddana waxaa hey’addu sheegtay in arintu cuslaan karto hadii Ayaxaasi geediga ah uu Soomaaliya sal dhigto.

Ayax ka yimi dhanka Itoobiya oo dhulka Beeraha iyo daaqsiga diiray ayaa lagu arkay Soomaaliland

Sidoo kale qeybo ka mid ah Puntland iyo Galmudug ayuu Ayaxu weerar ku hayaa, waxaana dhici karta in uu u gudbo dhanka gobolada koonfureed ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud...