Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda oo tababar Diblomaasiyadeed u soo xiray shaqaale ka tirsan wasaaradda.

Date:

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Arbaco ah guddoonsiiyay shahaado diblomaasiyadeed todobo agaasime waaxeed oo ka mid ah 14 agaasime waaxeed ee Wasaaradda oo muddo labo bilood oo tababar ah u socday, kuwaasi oo si habsami leh u qaatay casharada, si joogta ahna u xaadiri jiray, halka todobada kale ay dib u qaadan doonaan daraasadda.

Danjire Cawad ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay ku talagalaysay in wax badan ay fuliso, hayeeshee feyruska Karoona uu carqaladeeyay howl-socodkii qorshayaashiisa oo ay ka mid ahayd in dalka la keeno tababarayaal Sweden u dhashay oo barnaamijyo tababar ku qabta Muqdisho, isagoo bogaadiyay Machadka Diblomaasiyadda iyo tababarayaashiisa oo kaalin weyn ka qaatay tababaridda agaasimeyeyaasha waaxyaha Wasaaradda iyo saraakiisha habmaamuus ee Madaxtooyada, Xafiisyada Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyeyaasha Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Koorsada diblomaasiyadeed oo si rasmi ah loo daah-furay 29 Febraayo, ayaa jadwalkeedu ahaa in la soo afjaro 29 Abriil si kor loogu qaado xirfadaha afar iyo tobanka agaasime waaxeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, balse feyruska Karoona ayaa u horseedday in Machadku qaato go’aan lagu hakinayay tababarka si kumeel-gaar ah, si loo hubiyo bedqabka, loona xaddido faafitaankiisa, waxaase koorsadu dib u bilaabatay horraantii November.

      

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...