Musharixiinta madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo dood adag ay xalay dhex martay.

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo Kamala Harris oo u tartamaysa xilka madaxweyne ku xigeenka xisbiga dimoqraadiga ayaa dood kulul oo ku saabsan cudurka safmarka ee coronavirus isku dhaafsaday is aragoodii koowaad ee xalay qabsoomay.

Ms Harris ayaa Donald Trump ku eedeysay in uu yahay “Maamul Madaxweyne kii ugu guuldarada badnaa taariikhda wadanka “.

Mr Pence waxaa uu sheegay in qorshaha musharax Joe Biden ee safmarka coronavirus uu yahay mid uu ka soo minguuriyay siyaasadda aqalka cad ee hadda.

Musharaxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden waxaa uu ka horeeya saadaasha codadka Madaxweyne Trump xilli maalinta doorashada ay ka harsan tahay 27 cisho oo keli ah.

Doodii xalay ayaa aheyd mid dhex martay labo qof oo siyaasiyiin rayid ah laakiin doodii todobaadkii hore ee Trump iyo Biden ayaa isku bedeshay cay iyo in magacyo la isugu yeero.

Si kastaba, labada musharax ayaa is dhaafsaday dood kulul oo  la dhihi karo waxba la isuma reeban.

Doodii sagaashanka daqiiqo aheyd ee xalay ayaa la dhacday hoolka jaamacadda Utah ee magaalaa Salt lake, iyadoo Kala Haris ku eedeysay madaxweyne ku xigeen Mike Pence in madaxweyne Trump uu si ula kac ah u marin habaabiyay dadweynaha Mareykanka inta socday cudurka coronavirus.

“Waxay ogaayeen, in ay khiyaameynayaan,” ayay tiri, waxay intaas ku dartay in u jeedka ay ka leeyihiin ay tahay in dib loo soo doorto.

Senator Kala Haris oo 55 sano jir ah iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo 61 sano jir ah, ayaa intii dooda socotay waxaa u dhexeeyay dayr almuuniyam ah taas oo muujinaysa khatarta cudurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Algiers kulan miradhal...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, ahna...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo gaaray magaalada gaaray Magaaladda Kampala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...