Safaaradda Soomaaliya ee Zambia oo dib loo dhisayo+sawirro.

Date:

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambiya oo ay Hor kaceyso Danjiraha Soomaaliya ee  dalkaasi Marwo Xaawa Xasan Maxamed ayaa dhagax dhigtey Xarunta safaaradda oo dib udhis ballaaran lagu sameynayo mashruucaasi oo ay iska kaashanayaan dhammaan jaaliyadda .

Mashruucan ayaa ah mid  is xilqaan ah oo jaaliyadda Soomaliyeed ee Zambia ay go’aansadeen in safaaradooda dib u dayac tir ugu sameeyaan si ay bilicda safaaradaha dalalka shisheeye ay ku leeyihiin dalkaasi ay ula mid noqoto.

Hirgalinta mashruucan waxaa kaalin weyn ka qaatey guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia ee uu hormuud u yahey goddoomiyaha Jaaliyadda, Mudane Maxamuud Hiiraan iyo dhammaan Jaaliyada qeybaheeda kala duwan.

Maxamuud Maxamed Hiiraan oo ah Guddoomiya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia ayaa sheegey in Jaaliyadda ay go,aansatey in sharafta iyo karaamada dowladnimo iyo shacabkeeda dartiisa ay si isxilqaan ah uga dhisaan safaaradooda.

Dhinaca kale waxaa lagu soo bandhigay naqshada safaaradda laga dhigayo oo ah mid casri ah waxaana  Marwo Xaawa Xasan  Maxamed safiirka dowladda Soomaaliyeed ee dalka Zambiya  ugu mahadcelisey go,aanka Jaaliyadda ay sida is xilqaanka ah ay ugu dayactiraya Safaaradooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....