Wada-hadallada nabadda Afgaanistaan ​​oo goor dhow ka furmay Dooxa.

Date:

Magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar waxaa goordhow ka furmay wada-hadallada nabadda ee Afgaanistaan, kaasi oo ay martigalisay Qatar, waxaana tani lagu tilmaamay wada-hadallo taariikhi ah iyo tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii nabad waarta looga abuuri lahaa  dalkaasi Afghanistan.

Furitaanka Wada-xaajoodyada nabadda Afgaanistaan  ayaa waxaa goobjoog ka ah Abdulla Abdulla oo ah madaxa Hay’adda Dib-u-heshiisiinta Qaranka ee Afghanistan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo ergeyga Mareykanka u qaabilsan dib-u-heshiisiinta Afghanistan Zalmay Khaliil zaad.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa kula kulmay magaalada Dooxa wakiilo ka socda dowladda Afghanistan maalintii ay billaabeen wada-hadallada.

Pompeo ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in lagu wada dhanyahay Dooxa si looga hadlo nabadeynta Afqaanistaan, taasoo uu ku tilmaamay guul u soo hoyatay Afgaanistaan, wuxuuna intaas ku daray in dadka reer Afghanistan ay mudan yihiin in ay ka nastaan dagaaladii xanuunaka badnaa ee  muddada ka socday gudaha dalkooda, wuxuuna sheegay in Dooxa uu u yimid in uu taageero dejinta khariidada waddada nabadda Afgaanistaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...