Masar oo dowr ku leh heshiis maxaabiis is-weydaarsi ah oo u dhexeeya Xamaas iyo Israel.

Date:

Madaxa Xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Islaamka ee (Xamaas) Ismaaciil Haniya ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay xilligan dhex-dhexaadin ka waddo Xamaas iyo Israa’iil si ay u gaaraan heshiis cusub oo ku saabsan is dhaafsi dhinaca maxaabiista ah.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii koox suxufiyiin ah ay Haniya wareysi kooban kula yeesheen magaalada Beyruut jimcihii shalay, waxuuna arrinkan ka dhawaajiyay mar uu ka jawaabayay su’aal ay weydiisay Wakaalladda Wararka ee Anatolia.

Haniya ayaa sheegay in Xamaas ay soo dhaweyneyso dadaallada Masar ay ku dooneyso in la gaaro heshiis cusub oo ku qotoma is-weydaarsi maxaabiis, waxayna muujiyeen in rajo wanaagsan ay ka qabaan dhankooda.

“Walaalaha Masar waxay daba gali donaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiis laga gaaro go’doominta saaran marinka Rafax, iyo isdhaafsiga maxaabiista u kala xeran Xamaas iyo Israa’iil” ayuu yiri Haniya.

Madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas ma uusan caddeyn in wax horumar ah oo horay looga gaaray arrimaha isdhaafsiga maxaabiista ee u dhaxeeya dhaq dhaqaaqa Xamaas iyo Israa’iil.

Dhaq dhaqaaqa Xamaas ayaa xirtay afar askari oo ka tirsanaa ciidamada Yahuudda markii ciidamada Israa’iil ay qabsadeen marinka Qaza sanadkii 2014-kii.

Sida wararka ay sheegayaan Jimcihii shalay wafdi ka socday sirdoonka Masar ayaa ka amba baxay Qaza iyaga oo ku sii jeeday Talaabiib, socdaalkan ayaana qeyb ka ahaa sida la sheegay waan-waanta Masar ay hor kaceeysa ee  ku saabsan isdhaafsiga maxaabiista Xamaas iyo Israa’iil ay kala haystaan.

Tarjume: Cismaan Caqiil

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...