Beeraleyda Shabeellada dhexe oo ka walaacsan fatahaadda Webiga ee soo noq-noqatay.

Date:

Qaar ka mid ah beeraleyda ku nool deegaannada hoos yimaada Degmada Jowhar, ayaa walaac  ka muujiyay fatahaadda Webiga Shabeelle ee sanooyinkii dambe  ku soo noq noqotay deegaanadaasi.

Beeraleeyda halkaasi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in dalagyadii ka soo go’i lahaa beerahooda sanadkaan ay fatahaaddu la tageen guryahoodina ay ka barakeceen, dalagyadii fara ku tiriska ahaa ee badbaaday in aysan jirin meel ay u iib-geeyaan madaama waddooyinkii ay xireen fatahaadahaasi.

Beeraleeyda iyo dadka kale ee caadiga ah ayaa wal-wal kaqaba mustaqbaka ku aaddan tacbashada beeraha oo haddii aan xal loo helin fatahaadaha keeni karta macluul.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...