Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha XFS “Ciqaabta iyo mihnadda Saxafinimo waa kala caaggan yihiin.[Sawirro]

Date:

Sii hayaha Raโ€™iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xeerka saxaafadda ee dib-u-eegis dheer lagu sameeyay kadib uu saxiixay Madaxdweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka qeyb galay munaasabadda dhaqan gelinta xeerka warbaahinta, ayaa caddeeyay in xeerkan oo la tashiyo ballaaran iyo dib-u-eegis ballaaran lagu sameeyay uu wax badan ka qaban doono dhibaatada ay qabeen bahda warbaahintu sidoo kalana uu qeexayo masโ€™uuliyadda ballaaran ee saaran bahda warbaahinta.

Sii hayaha Raโ€™iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay maxkamadda ku haboon qaadidda dacwadaha iyo eedaha saxafiga ayaa yiri, โ€œAnigu runtii sharci yaqaan ahaan iyo qof ahaan raโ€™yiyan ma fahmi karo sababta qof suxufi ah xeer ciqaabeed loogu oogaayo waxay tahay waayo ciqaabta Iyo mihnadda saxafinimo ee qofka suxufiga ahi waa kala caaganyihiinโ€.

Xeerka saxaafadda ee Madaxweynuhu saxiixay ayaa qoraalkiisii ugu horreeyay lasoo billaabay 14 sano kahor, waxaana markii ugu horreeyay golaha shacabku meel mariyeen 2008, hase yeeshee waxaa qodobada qaar dood ka keenay bahda warbaahinta, taas oo dhalisay in 2013 la billaabo dib-u-eegis lagu balaaran, waxaana mar kale baarlamaanku meel mariyeen 2015, waxaana madaxweynihii hore ee dalku saxiixay 2016.

Sannadkii 2017 ayaa mar kale dib u eegis lagu billaabay waxaana wax ka bedel lagu sameeyay 11 qodob oo kamid ah 15 oo bahda warbaahintu mar kale ay dood ka keeneen, waxaana ugu dameyn meel mariyay golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana saxiixay Madaxweynaha dalka.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...