Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha Hoose ku dilay horjoogayaal ka tirsan argagixisada Al-shabaab.

Date:

Ciidanka kumaandooska ayaa howl-gal ay ka sameeyeen deegaanka daarusalaam gobolka shabeelada hoose ku dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal argagixisada katirsan.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa udaatay goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab.kaddib markii ay ka warheleen in argagixisadddu ay isku uruursanayaan deegaanka Daarusalaam ee hoosyimaado Degmada Awdheegle ee gobolka shabeelada Hoose waxaana ay ugaleen iyagoon kavwarqabin maleeshiyaadkii is uruursanayay kuwaasi oo marqura ku baraarugay ciidanka oo kor jooga waxaana ay ciidanka xooga ku dileen labo horjooge iyo todobo maleeshiyaad ah oo argagixisada ka tirsanaa.

Sidoo kale ciidanka kumaandooska ee xoogga dalka ayaa gabin ahaanba bur-buriyay halkii ay argagixisada isku uruursanayeen iyagoo gacanta ay ku dhigay hub iyo saanad kale oo ciidan.

Sida uu idaacadda ciidamadda qalabka sida usheegay taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Dhinaca taliye Ismaaciil ayaa hadlay duqeyn dhinaca cirka ah oo lala bartilmaameedsaday maleeshiyaadkii firxadka ahaa ee ka baxsanayay deegaanka daarusalaam kuwaasi oo waxyeelo xooggan ay ka soo gaartay duqeynta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal guuleystay

Ciidanka Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Ciidamadda Uganda...

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah ururada Siyaasadda dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Arrimaha guddaha oo qabtay kulan looga hadlayo Amniga goobaha lagu xusayo maalmaha xoriyadda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...