Soomaaliya oo ka hadashay saameynta uu Covid-19 ku yeeshay ganacsiga+Sawirro.

Date:

Sii hayaha xilka Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa sheegay in daraasado ay ka sameeyeen dhibaatada uu cudurka Covid-19 ku yeeshay  ganacsiga ay muujineyso inay jirto saameyn baahsan oo uu ku yeeshay ganacsiga Dalka balse dedaallo badan oo si wada-jir ah ay u sameeyeen xukuumadda iyo ganacsataduba ay wakhtigan yaraatay waxyeelladiisa.

Wasiirka oo ka hadlayay kulan lagu falan-qeynayay saameynta covid-19 uu ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha wadanka gaar ahaan ganacsiga Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdosho ayaa intaa ku daray in wakhtiyadii uu cudurkani xoogganaa ay Dowladdu canshuur-dhaaf u samaysay ganacsatada wax-u-soo-dhoofisa Dalka si loo yareeyo sicir-bararka ku yimi maciishadda iyo heerkii nololeed ee Bulshada.

Inj; Cabdullaahi Cali Xasan,ayaa sheegay in xukuumaddu ay mar walba ku dedaalayso siddii ay u xakameyn lahayd saameynta cudurka,wuxuuna intaa ku daray in la joogo wakhtigii Dowlad iyo shacabba fursado loogu beddeli lahaa saameyntii ka dhalatay Corona Virus loona xoojin lahaa wax-soo-saarka Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dedaallo ku bixiyeen horumarinta ganacsiga iyo Warshadaha, wuxuuna ku dheeraaday dedaalladooda ku aaddan dhiiri-gelinta maal-gashiga, isagoo xusay inay sameeyeen shuruuc iyo siyaasado tiro badan oo muhiim u ah ganacsiga Waddanka, taas oo sababtay in ay Soomaaliya Maanta ka mid noqoneyso Ururrada caalamiga ah ee ganacsiyada Adduunka.

      

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...