Soomaaliya oo ka hadashay saameynta uu Covid-19 ku yeeshay ganacsiga+Sawirro.

Date:

Sii hayaha xilka Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa sheegay in daraasado ay ka sameeyeen dhibaatada uu cudurka Covid-19 ku yeeshay  ganacsiga ay muujineyso inay jirto saameyn baahsan oo uu ku yeeshay ganacsiga Dalka balse dedaallo badan oo si wada-jir ah ay u sameeyeen xukuumadda iyo ganacsataduba ay wakhtigan yaraatay waxyeelladiisa.

Wasiirka oo ka hadlayay kulan lagu falan-qeynayay saameynta covid-19 uu ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha wadanka gaar ahaan ganacsiga Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdosho ayaa intaa ku daray in wakhtiyadii uu cudurkani xoogganaa ay Dowladdu canshuur-dhaaf u samaysay ganacsatada wax-u-soo-dhoofisa Dalka si loo yareeyo sicir-bararka ku yimi maciishadda iyo heerkii nololeed ee Bulshada.

Inj; Cabdullaahi Cali Xasan,ayaa sheegay in xukuumaddu ay mar walba ku dedaalayso siddii ay u xakameyn lahayd saameynta cudurka,wuxuuna intaa ku daray in la joogo wakhtigii Dowlad iyo shacabba fursado loogu beddeli lahaa saameyntii ka dhalatay Corona Virus loona xoojin lahaa wax-soo-saarka Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dedaallo ku bixiyeen horumarinta ganacsiga iyo Warshadaha, wuxuuna ku dheeraaday dedaalladooda ku aaddan dhiiri-gelinta maal-gashiga, isagoo xusay inay sameeyeen shuruuc iyo siyaasado tiro badan oo muhiim u ah ganacsiga Waddanka, taas oo sababtay in ay Soomaaliya Maanta ka mid noqoneyso Ururrada caalamiga ah ee ganacsiyada Adduunka.

      

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...