Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeeed oo dilay Saddex ka tirsanaa Al-Shabaab.

Date:

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ugu yaraan Saddex ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxay ku dileen Tuulada Ceel-geeloow xilli ay Miino ku aasayeen Waddada, ka dib howl-gal ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le; Ismaaciil Cabdimaalik ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howl-galka uu ujeedkiisu ahaa ka sifeynta Argagixisada Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo dhibaateeya Dadka shacabka ah ee safarka ah iyo Gaadiidka ay la socdaan.

G/le; Ismaaciil ayaa sheegay intii ay howl-galka ku jireen in ay kusoo saareen Miinooyin ay Argagixisada Al-shabaab galiyeen inta udhexeeysa Balcad iyo Jowhar, isagoo wacad ku maray in ay cadawga ka sifeyn doonaan halkaasi iyagoo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...