DFS oo dalka kusoo celisay maxaabiis ku xernayd Tanzania. “Sawirro”

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay maanta dalka dib ugu soo celiso 17 muwaaddin, kuwaas oo u badnaa maxaabiis laga soo daayay xabsiyo ku yaalla dalka Tanzania.

Maamulaha hay’adda IOM u qaabilsan illaalinta iyo caawimaadda muhaajiriinta, Isaac Munyae ayaa sheegay in ay qorsheynayaan howlo gudaha Dalka Soomaaliya looga fidinayo muhaajiriinta laga soo celiyo xabsiyada Caalamka.

Qorshaha  lagusoo daayay maxaabiista ayaa waxaa gacan ka geystay Ergayga gaarka ah ee xuquuqda Carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Dalka Ambassador, Maryan Yaasiin, Wasaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, hay’adda IOM Somalia iyo Tanzania iyo Safaraadda Soomaaliyeed ee Dalka Tanzania.

Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay munaasabad loo sameeyay dadka la soo celiyay ayaa uga mahadceliyay hay’adihii juhdiga iyo dedaalka ku bixiyay soocelinta dadkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...