Sii hayaha Wasiirka Shaqada XFS oo shir Guddoomiyay kulanka habraaca shaqo qorista shaqaalaha Dowladda+Sawirro.

Date:

Sii hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa maanta guddoomiyay kullan la xiriiray dardargalinta hab-raaca shaqo qorista shaqaalaha dowladda waxaan goob joog ka ahaa kullanka  guddoomiyaha Guddiga qaranka shaqaalaha rayidka Xasan Abshiroow ,xubno ka tirsan guddiga iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya iyadoo diiraradda inta badan lagu saarayay arrimaha shaqaalaha rayidka iyo nidaaminta hab-raac shaqo qorista ee shaqaalaha dowladda.

Dhinaca kale, sii hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Xildhibaan Sadik Warfa ayaa waxa uu  ku qaabbilay xafiiskiisa Mudane Ali Ibraahim Anoy oo dhowaan loo magacaabay inuu xubin ka noqdo Guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda, isagoo buuxiyay xubin horey uga bannaaneyd guddiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...