Maxkamadda Ciidamada Oo Xukunno Ku Ridday 2-Ka Tirsan Al-Shabaab

Date:

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukunno Ku Ridday 2-Ka Tirsan Al-Shabaab
Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xukuno xabsi daa’in ah ku ridday laba Nin oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana lagu eedeeyay in ay qaraxyo ka fuliyeen Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyha Mxakamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Mustaf Maxamed Xuseen iyo Maxamed Axmed Muumin lagu helay eedeynta loo soo jeediyay sidaas darteedna lagu Xakumay Xabsi daa’in.

Xeer ilaalinta Maxkamedda Ciidamada ayaa shegtay in Mustaf loo hetsto 8-qarax oo lagu xiray gawaari, ,halka ninkaasi horay Maxkamada ay ugu riday Xukun Shan Sano ah oo uu soo dhameeystay dibna ugu laabtay howlihii uu u haayay AL-shabaab.

Mid ka mid ah labadaasi nin oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Muumin,ayaa la xukumay isagoo maqan,kaas oo lagu eedeeyay in uu ahaa hagaha iyo mareeynta Lacagaha ee uu wax ku Fulin Jiray Mustaf Maxamed Xuseen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....