Wasiirka Waxbarashada Oo Ka Digay Carqaladeynta Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Baraha Bulsahda uu ku arkay muuqaal been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay si loo qal-qal-geliyo imtixaanka Qaranka ee dugsiga Sare, isla markaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa uga digay dadka doonayo in ay carqaladeeyaan imtixaanka si ay u marin habaabiyaan ardayda iyo shacabka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in lasoo qabqabtay qaar kamid ah kuwa kalane lagu daba jiro.

C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in ay si adag ula xisaabtami doonaan dhammaan dadka caadeystay in ay siyaasadeeyaan imtixaanka isagoo ka codsaday dhammaan Ardayda Soomaaliyeed in aysan saameyn ku yeelan dadka u istaagay in ay niyad jebiyaan.

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare,kaas oo soo billaawday 18-kii bishaan,waxaana Imtixaanka sanadkaan laga galay Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan deegaannada Dowlad goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...