Shir looga hadlayo Sharciga howlgabka Shaqaalaha Rayidka oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Shir ku saabsanaa Sharciga Howlgalka Shaqaalaha Rayidka Dowlada oo ay wada yeesheen Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Maaliyadda ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Maanta waxa uu wada-tashi la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasi oo ku saabsanaa Sharciga Howlgabka Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo ay diyaarinayso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sharcigan oo hadda gabagabo maraya, ayaa wuxuu xaquuq siin doonaa Shaqaalaha Rayidka Dowladda ee Howlgabka noqda, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dadaal galisay xaquuqda joogtada ah ee Shaqaalaha Dowladda, islamaraana hadda ay diiradda saaraysa, si dhaqso ah in Shaqaalaha Howlgabka ah  ay xaquuq heli doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay gobolka Sh/hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa...

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....