Soomaaliya Iyo Somaliland Oo Heshiis Ku Gaaray Jabuuti +Sawirro

Date:

Shirarkii maalmihii la soo dhaafay Jabuuti ugu socday guddiyada farsamo ee Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa la soo gabagebeeyay isla markaana laga soo saaray heshiis.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa warbaahinta u akhriyey wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana ay kala yihiin:-

1 – Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka, si qurux badan oo hadaf xanbaarsan

2 – Sidii dib loogu dhisi lahaa kalsoonidii labada dhinac.

3 – Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani’aadannimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiri doona muddo shan iyo toban cisho (15) kadib ah, kuna shiri doona Jabuuti.

4 – Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha hawada, kuwaasi oo muddo 15-cisho gudahood ah ku shiri doona Jabuuti.

5 – Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqeyn doona Arrimaha nabad-gelyada.

Waxaa sidoo kale la magacaabay guddiga guud ee farsamado ee wada-hadallada oo heer wasiiro ah, waxayna 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan waxqabadka guddi hoosaadyada.

Dowladda federaalka waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, halka Somaliland uu u saxiixay Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ugu magacaaban wasiirka arrimaha dibedda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku...