Taliyaha Xoogga Oo Kormeeray Xerada Gaaska 11-Aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka+Sawirro

Date:

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo Cabuudwaaq Ku sugan ayaa kormeer Ku tagay Xerada Gaaska 11-aad ee Guutada 35-aadย  ee ciidanka xoogga dalka oo ka mid ah Xeryihii Ilaalinta Xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan dib u habeyn lagu wado si markale ay kaga mid noqoto xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka .

Kormeerkaan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee ciidanka xoogga dalka sida Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaanle Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad.

Xeradan oo dhismeheedu meel dhexe marayo ayuu Taliyaha Xoogga Ku amaaney saraakiisha Qaybta 21-aad iyo dadka reer Caabudwaaq juhdiga ay galiyeen dib u qaabeynteeda oo taliyuhu ku tilmaamey in ay faaโ€™iido badan u yeelan doonto dib u dhiska Ciidanka Xoogga.

โ€œWaxaan ku bogaadinayaa saraakiisha ciidanka xoogga qeybta 21 iyo guud ahaan shacab weynaha cabud-waaq sida ay isugu xilqaameen dib udhiskaan xaruntaan oo ah mid ahmiyad balaaran ugu fadhisa dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama ay ku taallo xadka dalkeynu uu la wadaago wadanka itoobiya โ€œAyuu yiri taliyaha xoogga Generaal Odowaa yuusuf Raage.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...