Muqdisho:-(SNTV)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan safarkooda xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay Dalka.
Waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaaladda Muqdisho kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka.
Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore Ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafdiga oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Wadanka Turkiga ayaa diyaarada gaar ah kasoo qaaday Dalkaasi ,iyada oo ay weli hakad ku jiraan duulimaadyadii caadiga ahaa ee dunida inteeda kale sababo la xiriira Cudurka safmareenka ee CoronaVirus.