R/Wasaaraha Oo Dhallinyarada Uga Mahadceliyay Kaalintooda La Dagaallanka Covid19 Iyo Fatahaadaha

Date:

R/Wasaaraha Oo Dhallinyarada Uga Mahadceliyay Kaalintooda La Dagaallanka Covid19 Iyo Fatahaadaha

R/Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

R/Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, la dagaallanka iyo kahor tagga Feyruska Karoona iyo gurmadka Fatahaadaha.

“Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa munaasabadda 77 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxaan uga mahad celinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed dowrka wax ku oolka ah oo ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka. Waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa milkiilayaasha dalka dowrkooda ku aaddan la dagaallanka Covid19 iyo la tacaalidda fatahaadaha.”, ayuu raaciyay Ra’iisul wasaaruhu.

Sannadkii 1943-dii ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo 13 ah waxa ay aasaaseen ururkii gobannimo doonka ee SYL oo horseed u noqday xornimada uu dalkeennu maanta ku naaloonayo, waxaana maanta loo dabbaal degayaa 77 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkaas.

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...