Dowladda Oo Qorsheyneysa in La Hir-geliyo Xarumo Dheeraad Ah Ee Baarista COVID19 “SAWIRRO”

Date:

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6.

Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...